Xidhiidhka Waalidka Iyo Carruurta .

Image
W\Q : Naima Mohamed Xidhiidhka Waalidka Iyo Carruurta Waa Mid Ka Mid Ah Asaaska Bulshada. Waalidku Waxay Ku Taallamaan Xiliga Ugu Muhiimsan Ee Ka Soo Horjeeda Carruurta, Waxaana Ay U Baahan Yihiin Inay La Wadaagaan Wada Hadalkooda Iyo Inay Ka Caawiyaan Inay Ku Noloshooda Guuleystaan. Waalidka Waxay U Baahan Yihiin Inay Si Joogto Ah U Dhex Galaan Carruurta, Oo Ay Si Deggan U Sheekaysan  Dareenka Iyo Dhibaatada  Haysta. Waxay U Baahan Yihiin Sidii Ay Uga Caawin Lahaayeen Carruurta Inay Ku Kalsoonaadaan, Sida Dareenka, Naxariista, Iyo Isku Filnaanshaha. Si Ay Ugu Noqdaan Dad Isku Filan Oo Awood Leh. Xidhiidhka Waalidka Iyo Carruurta Waa Inay Ka Caawiso Inay Isku Soo Dhawaadaan, Oo Ay Helaan Daryeel Si Ay Ugu Guuleystaan Nolosha Guud. Hababka Wanaagsan Ee Korinta Carruurta       Korinta Carruurta Waa Hawl Muhiim Ah Oo Waalidiinta Ku Taallamaan. Waa Habsocod Qaata Waqti Iyo Dadaal, Laakiin Waxaa Jira Habab Wanaagsan Oo Kaa Caawin Kara Inaad Carruurtaada...

Saamaynta Qabyaalada Ee Tiktok .

 W\Q : Naima Mohamed

Aalada Tiktok Ayaa Ah Madal Ay Dhalinyarada  Isugu  Yimaadaan Siyaabo Kala Duwan, Waxaa Jira Dhalinyarada Qaar Oo Ka Shaqeysta Kana Soo Dhacsada Nolol Maalmeedkooda Sidoo Kale Waxaa Jira Reero Badan Oo Ku Tiirsan Aaladaan ,   Halka Dhalinyada Kale Ay Madadaalo Iyo Caways U Soo  Raadsadaan , Marka Intaa Aan Ka Soo Gudubno Waxaa Kaloo Jira Dhalinyaro Ku Soo Gudbiso Arimo Badan Oo Bulshada Waxtar Balaaran U Leh , Waxaa Marnaba Aan La Iska Indho Tiri Karin Kaalinta Muuqata Ee Aaladan Tiktok Ku Dhex Leedahay Gudaha Shacabka Soomaaliyeed , Sidaas Si La Mida Ah Way Jirtaa Dhaliilo Uu Leeyahay Lakiin Waxaa Ka Badan Faa’iidada Laga Helo .

       Abdisalaan Abuukar Xassan : Baana Boy

Mid Iyo Labo Ma Aha Dhalinyarada Ka Shaqeysta Tiktok Lakiin Waxaan Ka Soo Qaatay Mid Ka Mid Ah Dhalinyaradaas Oo La Yiraahdo Abdisalaan Abuukar Xassan Oo Loo Yaqaano Baana Boy Oo Yiri ; Ma Jecleen Inaan Shaqaalo Noqdo Sidaa Darteed Waxaan Fursad Balaaran Ka Helay Inaan Social Medie Gaar Ahaan Aalada Tiktok Aan Ka Shaqeysto Si Aan Ka Xoroobo Inaan Shaqaalo Noqdo, Dhalinyaro Badan Ayey Fursad U Tahay  Marka Laga Reebo Kuwa Xumaanta Ku Faafiyo Aalada Tiktok .

      Abdiqaadir Ali Mahamud : Bilaal Bulshaaw

Baryahan Dambe Waxaa Soo Kordhay Arin Intaaba Ka Duwan Oo Ah Kicin Bulsho Ama ‘ QABYAALAD ‘ Sidaa Waxaa Yiri Dowlada Somaliya  Qaar Ka Mid Ah Dhalinyada Caanka Ah Ayaa Door Weyn Kuleh Arinkan , Bilaal Bulshaawi Oo Ka Mid Ah Dhalinyarada Barta Tiktok Caanka Ka Ah Ayaa Mar Uu Ka Qeybqaadanayay Dooda Jimcaha Ee BBC da Yiri ; Aalada Tiktok Waa Aalad Balaaran Dhalinyaro Badan Ayaa Ku Wada Jira Looma Aanayn Karo Dhowr Qof Inay Aalada Ku Sumdan Yihiin , Tiktok Dadka Ku Wada Jira Ma Wada Xuma Inta Yar Ee Xumaanta Faafinaysa Waa In La Iska Qabtaa .  Maalmo Ka Hor Ayey Ahayd Dowlada Soomaliya Markii Ay Xabsiga U Taxaabtay Gabdho Caan Ka Ahaa Tiktok Falal La Xiriira Qabyaalad . Dhaqamadaan Ayaa Aad Ugu Soo Badanayo Bulshada Soomaaliyeed Dhexdeed .  

Faa'iidooyinka TikTok

TikTok waa barnaamij caan ah oo loogu talagalay wadaagista fiidiyowyada gaagaaban. Inkastoo ay leedahay faa'iidooyin badan, waxaa sidoo kale jira dhowr faa'iidadaro. waxaan idinla wadaagi doonaa faa'iidada iyo faa'iida darada uu leeyahay tiktok;

Abuurista Hal-abuurka iyo Hibada: TikTok wuxuu dadka siinayaa madal ay ku soo bandhigaan hal-abuurnimada iyo hibadooda, ha ahaato heesid, qoob-ka-ciyaar, majaajilo, ama nooc kasta oo kale oo faneed.

Madadaalada iyo Qosolka: TikTok waa goob ay dadka ka helaan madadaalo iyo qosol, taasoo ka caawin karta in la yareeyo walbahaarka.

Barashada iyo Wacyigelinta: Waxaa jira fiidiyowyo badan oo waxbarasho iyo wacyigelin ah oo ku saabsan mowduucyo kala duwan sida caafimaadka, cunto-karinta, farsamada gacanta, iyo waxyaabo kale oo badan.

Xiriirka Bulshada: TikTok wuxuu dadka siinayaa fursad ay ku sameeyaan saaxiibo cusub iyo inay la xiriiraan dadka danaha iyo hibada la wadaaga.

Kobcinta Ganacsiga: Ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweynba waxay isticmaali karaan TikTok si ay u xayaysiiyaan alaabooyinkooda iyo adeegooda, taasoo gacan ka geysan karta kobaca ganacsigooda.

Faa'iidadarada TikTok

Amniga Xogta iyo Asturnaanta: Waxaa jira walaacyo badan oo ku saabsan sida TikTok u maareeyo xogta isticmaaleyaasha, iyo suurtagalnimada in xogta loo gudbiyo dhinacyo saddexaad.

Dhibaatooyinka Caafimaadka Maskaxda: Isticmaalka xad-dhaafka ah ee TikTok wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaadka maskaxda sida walbahaarka, niyad-jabka, iyo isku buuqa, gaar ahaan dhalinyarada.

Xaaladaha Bulshada ee Xun: Mararka qaar, TikTok waxaa lagu arkaa dhaqamo aan wanaagsaneyn iyo fariimo xun-xun oo saameyn ku yeelan kara dhaqanka bulshada iyo hab-dhaqanka dadka, gaar ahaan dhalinyarada.

Qataraha Internetka iyo Khayaanada: Sida barnaamijyada kale ee bulshada, TikTok wuxuu noqon karaa meel ay khayaanada iyo qalabka khatarta ah ku faafaan, taasoo khatar ku ah isticmaaleyaasha.

Waqti Lumis: TikTok waa mid soo jiidasho leh oo dadka ku qaadan kara saacado badan, taasoo keenta waqti lumis oo saameyn ku leh waxqabadka shaqsiga iyo waxbarashada.

Inkastoo TikTok uu leeyahay faa'iidooyin badan oo la taaban karo, waxaa muhiim ah in loo isticmaalo si masuuliyad leh oo taxadar leh, iyadoo la ilaalinayo badqabka xogta iyo waqtiga shaqsiga.

Arinkan Sidee Looga Hortagi Karaa ?

Marka Laga Hadlayo  Social Media Wuxuu Leedahay Labo Dhinac Oo Ah Wanaag Iyo Xumaan Ah Had Iyo Jeer Waxaa Xoog Badan Xumaanta , Waxay Ila Tahay In Looga Hortagi Karo In Aan Wax Dhiirigalin Ah La Siin Kuwa Xumaanta Faafinteeda Caadaystay , Sidoo Kale Waa In La Garab Istaago Dhalinyarada Wanaaga ku Wacyigaliyo Bulshada , Doorka Ugu Weyn Waxaa Looga Baahan Yahay Waa Bulshada In Ay Ka Dhiidhiyaan Arinkan Soomaalidu Waxay Horay Ugu Maahmaaday ‘Gacmo Wadajir Ayey Wax Ku Goyaan’  Waa La Awoodaa In Laga Hortago Arinkaan Inta Uu Gaarin Heer Aan Wax Laga Qaban Karin .

Gunaanadkii

Guntii Iyo Gabagabadii Tiktok Ma Aha Aalad Xun Ee Waxaa Xumeeya Dad Yar Oo Si Qaldan U isticmaala Waxaan Rajeynayaa In Laga Hortago Intaa Yar Oo La Iska Qabto .


Comments

Popular posts from this blog

Aasaaska Guusha Nolosha.

Sidee Lagu Dhisi Karaa Xidhiidh Caafimaad Qaba.

Xalka Caajiska iyo Wahsiga.